Safiirka JFS ee Bakistaan oo la kulantay Madaxa Ciidanka Badda dalkaasi

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo la kulantay taliyaha guud ee ciidamada Badda ee dowladda Bakistaan ayaa waxa ay kawada hadleen iskaashiga ciidanka badda ee labada dal.

Sidoo kale labada masuul ayaa muujiyay sida ay uga go,antahay xoojinta iyo sida ay muhiim utahay in iskaashiga dhanka ciidanka ah badda uu dhexmaro labada loogu baahanyahay.

“Waxaan kulan Iskaashi Ciidan Badda Ah aan la yeeshtay Taliyaha Guud Ciidamada Badda Amjad Khan Niazi, Waxaanna ka Wada Hadalnay Soomaaliya iyo Pakistan Sida aan u Xoojin laheyn Iskaashi Ciidan Ee Bada Ah,

“Dowladdaha Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay sameynta Iskaashi Ciidan ee Badda Ah  oo dhexmara Labada Wadan.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska safaarada Soomaaliya ee dalka Bakistaan.