Suuriya :Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Militariga Mareykanka ayaa dilay Cabdul Xamiid Al-Matar  oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la tilmaamay in kooxda Al-qaacida ay weerareen fariisin mileteri oo Maraykanku ku lahaa koonfurta dalka Suuriya.

Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droniska  ayuu yiri Afhayeen u hadlay Pemtagoonka , isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad nuuceedu yahay MQ-9.

Bishii Sebtembar, Pentagon-ka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyi-galbeed Suuriya oo ay maamulaan kooxaha  fallaagadu, waxaana lagu dilay hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabi jiray Salim Abu-Ahmad.

Inkastoo colaadaha ka ujira Siiriya ay dhaliyeen dagaallo adag oo ay ku lug leeyihiin ciidamo shisheeye, maleeshiyaad iyo kooxo hubeysan  oo ku xiran al-Qaacida iyo Daacish,haddana, qeybo badan oo ka mid ah Idlib iyo Aleppo waxay  weli ku jiraan gacanta mucaaradka hubeysan ee Suuriya,