Ra’iisul wasaaraha oo u hambalyeeyay xildhibaannada Aqalka sare ee maanta lagu doortay Jubbaland

-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xueen Rooble ayaa hambalyo u diray xildhibaannada Aqalka sare ee manta lagu doortay magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Mudane Rooble ayaa yiri ”Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya

Golaha Aqalka Sare ee kala ah;

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa  Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystirka doorashadii Aqalka Sare.”