Jubbaland oo soo gaba-gabeeysay doorashada xildhibaannada Aqalka sare ee BFS

Afar mudane oo ka mid noqon doona Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka sare ee DFS ku matalaya Jubbaland ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Maryan Faarax faarax Kediye ayaa kursiga siddeedaad ee Aqalka sare ku guuleysatay, iyadoo heshay codad gaaraya 50, halka Samsam Maxamed Bishaar oo la tartamaysayna ay heshay 22 Cod.