Ra’iisul wasaaraha XFS oo cambaareeyay falkii arxan darrada ahaa ee argagixisadda Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahayeen ganacsato Soomaaliyeed

Ra’iisu wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa cambaareeyay, wax laga xumaadana ku tilmaamay falkii kooxda argagixisadda alshabaab ay ku gubeen gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ee duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri” Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.”

Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.