Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaallo ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu yaraan hal gantaal oo nuuca ballistigga ah ku ridday biyaha badda dhanka bari ee gacanka,sida ay ka dhawaajiyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Saraakiil sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalaha ballistic -ga oo aan la garanayn la soo tuuray abbaare 10:17 subaxnimo manta ooTalaadado ah,wuxuuna tilmaamay in uu ka yimid agagaarka Sinpo.

Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay saldhig badda hoosteeda ah iyo sidoo kale qalab loogu talagalay tijaabinta gantaalada ballistic-ga ee badda hoosteeda ,iyadoo halkaasi hore uga soo tuurtay noocyo kale oo gantaallo ah.

Tijaabooyinka gantaaladaan ayaa imaanaya xilli manta lagu wado in magaalada Siyool ay ku kulmaan Taliyayaasha sirdoonka ee Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ,iyagoo ka wadahadlaya xaaladda Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

Ra’iisul wasaaraha Jabaan Fumio Kishida ayaa xaqiijiyay in sidoo kale la laba gantaal lala beegsaday badda,wuxuuna tijaabooyinka gantaalaha ee taxanaha ah ku tilmaamay ay yihiin kuwo laga xumaado.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa isku dayaya inay Kuuriyada Waqooyi ku dhiirigeliyaan inay dib ugu laabato wada xaajoodkii ku saabsanaa hubka iyo barnaamijyada nukliyeerka ee la mamnuucay.