Madaxweynaha Jubbaland oo kulan laqaatay Xubana ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku tagtay halkaas.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Maamulka Jubbaland ay xalay soo dhamaystireen xubnahii ku dhimanaa tartamayaasha Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubbaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.