Wasiiradda Arrimaha Dibedda dalalka Iran iyo Shiinaha oo ka wada hadlay heshiiska Nuclearka Iran

Wasiirka arrimaha dibedda Iran Hossein Amirabdollahian ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi wada hadalka ayaa ku saabsan heshiiska nukliyeerka Iran oo ay barbar socdaan xiriirka labada dhinac iyo horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Iran.

Labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal waxay ku wada hadleen khadka taleefanka “iyagoo ka wada hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabad ee Wadajirka ah (JCPOA),” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan. JCPOA waa magaca rasmiga ah ee heshiiska nukliyeerka.

Dhinaca kale Wasaaradda ayaa Bayaanka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen “arrimo laba geesood ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” oo ay ku jiraan “xiriirka Iran iyo Midowga Yurub, Afgaanistaan, iyo wada xaajoodyada ku saabsan qaadista cunaqabateynta ka dhanka ah Iran.”