Tababar ku saabsanaa wacyi galinta codbixiyayaasha ee geedi socodka doorashooyinka oo Gaalkacyo lagu soo gaba gabeeyay.

Tababarkaan ayaa ahaa mid ku saabsanaa wacyi gallinta codbixiyayaasha iyo daneeyayaasha siyaasada ee geedi socadka doorashada oo ay taab a galintiisa iska kaashanayeen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo machadka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka qaarada Afrika ee EISA ayaa maanta magaalada Gaalkacyo loogu soo xiray xubno ka tirsan bulshada qeybahooda kala duwan

Tababarkaan ayaa socaday muddio 4 maalmood ah waxaana sirasmi ah maanta usoo xiray duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale.

Ugu horeyn munaasabada xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay Dr Maxamed Muuse oo kamid ah xubnaha Guddiga Doorashada heer Federaal ee tababarka bixinayay wuxunna xusay in tababarkan uu ahaa mid bulshada u fududeeynaya ka qeyb galka doorashooyinka

Qaar ka mida xubnihii ka qeyb galay tababarka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa iyagu ka warbixiyay waxyaabihii ay ka faa’ideen tababarka mudadii uu socday waxaana ay sheegen in ay ka ka faa’iideen barashada habraacyada doorshada iyo si ay ku ansaxeyso doorshada xubinta ka mid noqan doonta golaha shacabka

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo tababarka soo xiray ayaa ugu horeyn umahad celiyay madaxdii ka socotay Guddiga doorashada heer Federaal, isagoo dhanka kalana sheegay in Gaalkacyo ay udiyaar garoowday qabashada doorshada 11 kursi oo ka mida kuraasta golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Dalka.