Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku maraya dalal ka tirsan Afrika

Turkiga oo xoojinaya xiriirka uu lee yahay waddamada Afrika, ayaa maanta oo Axad ah waxaa dalka Angola tegaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waa booqashadiisa ugu horreysa ee uu ku tegayo Angola, waxaana ku xigi doona wadamada Najeeriya iyo Toogo oo ka wada tirsan galbeedka Afrika.

Turkiga ayaa horrey mashaariic waaweyn uga hirgaliyay waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ghana, Ruwanda.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgalisay saldhiga ciidan oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, sidoo kale, Turkiga waxa ay Ruwanda ka hirgaliyeen fagaare weyn  halka Ghana ay ka hirgaliyeen masjid weyn oo ay ku tukun karaan boqolaal kun oo qof.

Sidoo kale, dowladda Turkiga waxa ay dhistay mashruuc ku kacaya 400km oo ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Abab.

Maalgalinta mashruucani ayaa sababay in dowladda Itoobiya oo aan lahayn bad ay hesho marin loo mariyo ganacsiga soo mara dekedda Jabuuti.

Kuwani waa qaar ka mid ah raadadka sii kordhaya ee Turkiga uu ku lee yahay waddamada Afrika, iyadoo xukuumadda Ankara ay xoojisay labaatankii sanno ee la soo dhaafay sida ay uga dhex muuqan lahayd gobolkan oo markii ay ku tartami jireen quwadaha reer galbeedka iyo kuwa kale oo Maraykanka uu ka mid yahay.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka sii xoogeesanaya ee Turkiga uu la yeelanayo Afrika ayaa laga yaabaa inay miro badan dhaliso.

Safarka maanta u billaabanaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wareeg kale  oo diblomaasiyadeed oo ku saabsan oo ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la lee yahay waddamada ku yaalla galbeedka Afrika.

Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa ayaa inta uu marayo waddamada waxa uu saixiixi doonaa heshiisyo cusub, laakin waxaa la sii xoojinayaa xiririka ganacsiga ee u dhexeeya dalkiisa iyo waddamada uu tegayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolo.