Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka

Mohamed Kuulow Ali, oo ka tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ururka 260-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka.

Horjooge Maxamed Kuulow ayaa maleeshiyada A-Shabaab ka mid ahaa Mudo 1-sano ah, wuxuuna ka soo howlgalay tuulooyin iyo deegeano hoostaga gobolka Bokool.

Wuxuu sheegay mudadii uu ku jiray Al-Shabaab inuu la kulmay horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab, sagoona ka soo qeyb qaatey dagaalo Dhowr.

Horjooge Mohamed Kuulow Ali, ayaa Saaxibadiisa eeli ku jira Kooxda Nabad-diidka Alshabaab ugu baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan, Isagoona sheegey in Alshabab ay yihiin kuwa Dadka dhiiggooda ka macaasha.