Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ay fasax yihiin maalinta Isniinta ee ku aaddan 12 bisha Mowliid si loo wayneeyo dhalashada Rasuulkeenna Suubban (NNKH).

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta dhalashada nabigeena (SCW).