Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Beled weyne

Beledweyne- Uga yaraan laba ruux oo midi uu yahay gudoomiyihii degmada Feer-feer ee gobalka Hiiraan iyo gabar askariyad ayaa ku geeriyooday halka seddex kalena ay kuy dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay saldhiga magaalada Beledweyne ee G. Hiiraan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in qaraxa uu ahaa mid hore meesha loo dhigay, loona maleynayo in uu yahay kan meelaha fog laga hago oo kooxda Al-Shabaab ay gaysto, waxana hadda socda baaritaan ku aadan sababta oo faah-faahsan.