Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay ergadii Soomaaliya ku matalayay kiiska baddeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay ergadii Dowladda Soomaaliya ku matalayay kiiska baddeenna.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu hambalyeey shaqadii wanaagsaneyd iyo guushii ay qaranka u soo hooyeen.

Wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay go’aankii Maxkamadda caddaalada Aduunka ee ICJ oo uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaraadaha Aada. cadde ee magaalada Muqdisho.