Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo sheegay in uu ku howlanyahay qorshe dalkiisa looga saarayo dhibaatada ragaadisay

Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamadook ayaa Jimcihii shalay shaaca ka qaaday in uu damacsanyahay meel marinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasdeed ee ka taagan dalkiisa.

Mudane Xamadook, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay qaadi doonto tallaabo wax ku ool ah oo wax looga baddalayo Siyaasadda Suudaan.

Ra’iisul wasaare Xamadook, ayaa sidoo kale tilmaamay in khilaafkii Siyaasadeed ee ugu xumaa Suudaan, uu soo maray mudadii labada sano aheed ee uu dalka ku jiray nidaamka ku meel gaarka, taasi oo keentay in ay ka aamin baxaan qaar ka mid ah waddamo saaxiibo laha Suudaan.