Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur ayaa la kulmay danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal oo ay ku jiraan horumarinta ganacsiga gaar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.