Taliyaha Boliska Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka Ururka Iskaashiga Boliiska ee Bariga Afrika .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Kinshaasha ee Dalka Jamhuuriyadda Koongo uga qeybgalay shir ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha Ururka Iskaashiga Booliska ee Bariga Afrika .

Kulankaasi oo ahaa shir sanadeedkii 23 –aad waxaa taliyaashii ka qeybgalay ay diiradda ku aareen wadaagga xogta, amniga iyo wada shaqeynta Booliska ee Gobolka.