Hoggaamiyeyaasha Dalalka G20 oo ku dhawaaqay ka go’anaanshahooda gargaar gaarsiinta Dadka Reer Afgaanistaan

Hoggaamiyeyaasha dalalka ugu dhaqaalaha weyn ee G20 ayaa mar kale xaqiijiyey “ka go’naanshahooda wadajirka ah” si loo hubiyo sii socoshada gargaarka bani’aadamnimada ee dadka Afgaanistaan, sida lagaga dhawaaqay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka maraykanka.

Waxay ku heshiiyeen in gargaarku ku qulqulo dadka reer Afgaanistaan ​​“iyagoo u sii maraya ururo caalami ah oo madaxbannaan” si “kor loogu qaado xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan dadka reer Afgaanistaan, oo ay ku jiraan haweenka, gabdhaha, iyo xubnaha kooxaha laga tirada badan yahay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ka dib shir madaxeedka G20.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu si dhow ula shaqeeyo beesha caalamka uuna u adeegsado hab diblumaasiyadeed, bani’aadanimo, iyo dhaqaale si wax looga qabto xaaladda Afgaanistaan ​​loona taageero dadka Afgaanistaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ku dhawaaqista ayaa imaanaysa iyadoo Afghanistan ay wajahayso dhibaato dhaqaale oo saameysay kala bar dadka dalkaas, ama qiyaastii 18 milyan oo qof. Dalka Afgaanistaan ayaa ah dal ay si xoog leh u kabaysay kaalmo caalami ahi labaatankii sano ee la soo dhaafay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Guterres ayaa sheegay in 80% dhaqaalaha Afgaanistaan ​​uu yahay mid aan rasmi ahayn iyadoo haweenku ay ciyaarayaan “door muhiim ah.” Taalibaan, ayaa ku guuldareysatay inay fuliso ballanqaadyadoodii ahaa inay ilaalinayaan xuquuqda haweenka, ayuu yiri madaxa Qaramada Midoobay isagoo ka codsaday taliyayaasha Afghanistan inay gutaan waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.