Wasiirka wasaaradda Beeraha ee XfS oo qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda cunadda aduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka ee Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee hey’adda cunadda aduunka WFP uqaabilsan Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum oo dhowaan loo magacaabay kaasi oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraduu ay la leeyahay hay’adda WFP iyo sidoo kale sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac

Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay inay isku af-garteen xoojinta iyo dar dargelinta shaqooyinka gargaarka ee hey’adda WFP ka qabato gudaha Soomaaliya

Wakiilka Cusub ee Hey’adda cunadda aduunka WFP ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan howlaha ay ka qabtaan dalka, waxaana uu wasaaradda uga mahadceliyay wadashaqeynta dhaw ay la leeyihiin hey’adda WFP.

“sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta. sidoo kale waxaan ka wadahalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka” ayuu yiri Mr. Elkhidir Daluum Wakiilka Cusub ee Hey’adda cunadda aduunka WFP ee Soomaaliya.