Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka iskaashiga Islaamka (OIC)

Waxaa Maalmahan Shirar is daba joog ah uga socday Xaruunta Dhexe ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Magaalada Jidda Dalka Sacuudiga, Qubaro ka kala socotay Wadamada Xubnaha ka ah Ururka Isk. Islaamka (OIC), Iyadoo Dowalada Soomaaliya uu uga qeyb galay shirarkaasi Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Maxamuud Cumar Jowle.

Shirarkaas ayaa waxuu si rasmi ah u furmay 3dii Oktober 2021, kuwaasoo looga hadlay Ajendayaal kala duwan.

Haddaba, waxaa maalintii 1aad iyo 2aad looga hadlay sidii Dib-u Eegis iyo wax ka badal loogu sameyn lahaa Sharciga lagu dhaqo Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Xubnaha ka ah Ururka OIC, Iyadoo sidoo kale, Maalintii 3aad looga hadlay Sharciga Wakiilada ay u soo magacoowdaan Wadamada annan xubnaha ka aheyn Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), halka shirka maalmaha 4aad iyo 5aad lagu lafa guray xeerka kooxda xiriirka wadamada Ururka Isk. Islaamka (OIC).

Dhamaan Qubaradii kasoo qeyb gashay shiraarkaasi waxaa ay halkaasi kasoo jeediyeen doodo iyo aragtiyo cilmiyeeysan taasoo waxtar weyn u yeelan karta taabagelinta siyaasada iyo Isteraajiyada xeerarkii ay qubarada uga hadleen kulamadooda.

Marka laga hadlaayo jawiga iyo munaasabadahii ay ku dhaceen shirarkaasi ayaa waxaa la tilmaami karaa in natiijooyinkii doodaha qubarada laga aqrisan karo in ay hormuud u noqon karaan Aayaha Ururka, waxaana xusid gaar ah mudan in Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada OIC Mudane Maxamuud Cumar Jowle kulaamadaas kasoo jeediyay talooyin iyo aaraa saldhig u adag u noqon kara xeerarkii iyo habraacyadii looga hadlay kulamadaas.