Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Golahiisa Wasiirada oo si wada jir ah u daawaday xukunka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale ayaa si wadajir u daawaday xukunka Maxkamadda caddaaladda Adduunka (ICJ) ee arrinta dawadda badda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa Soomaaliya u xukuntay dacwada Badda ee mudada dheer soo socotay.