Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan Foggaan-aragga ah la qaatay Masuuliyiinta Soomaaliya ku matalaysa ICJ

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa maanta gaaray magaalada Hague oo ay ku taalo Maxkamadda ICJ, halkaa oo 12 ka bishan aynu ku jirno looga dhawaaqi doono xukunka kama danbeysta ah ee dacwadda Badda ee Kenya na gala dhexeysa.