Dhul gariir sababay dhimasho badan oo ka dhacay dalka Pakistaan

Inta la xaqiijiyey 20 qof ayaa dhimatay tiro intaa ka bandanna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii uu dhul gariir ku dhuftay degmo ka mid ah dalka Pakistan.

Dhul gariirkan oo Cabirkiisa lagu sheegay 5.7 magnitude ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah degmada Harnai, gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiil maxalli ah Dhul gariirkan ayaa sidoo kale sababay bur-bur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha magaalada, iyadoo kooxaha gurmadkuna ay wadaan samata bixin.