Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudune Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ganacsato soomaali ah iyo Turki ayaa ka wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha waddada Jaziira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya uga Mahadceliyay Mashariicyada kala gadisan ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.