Madaxwaynaha Galmudug oo caawa Shir Deg Deg La yeeshay Golahiisa Wasiirrada

DHUUSO-MAREEB- Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen.

• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.

Source: Sonna