Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib booqasho rasmi ah oo uu muddo seddex cisho ah ku joogay dalka Qatar, halkaas oo uu kulammo khuseeya xoojinta xiriirka labada dal kula yeeshay madaxda dalkaas.