Qaramada Midoobay oo ka arrinsanaysa xaaladda Itoobiya

Antonio Guterres oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Xoghaye Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kaula kacday toddoba Sargaal oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Waa kulanki labaad oo uu Golaha Amaanka ka yeelanayo arrimaha Itoobiya wax ka yar hal todobaad, tan iyo marki uu Ra’isul Wasaare Abiya Axmed 30-ki bishii September ku dhawaaqay in muddo 72 saacadood ah ay uga baxaan saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkiisa.

Itoobiya ayaa ku eedeeysay saraakiishan ay dalkeeda ka eriday, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), taas oo ay dowladda federaalka dagaal kula jirto tan iyo dhamaadka sannadi hore.