Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Cadaado oo daahfuray Koobka Xaafadaha Degmada Cadaado

Sanadkiiba mar ayaa laqabtaa koobkaan oo ah kan ugu xiisaha iyo daawashada badan koobabka laga dheelo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Afarta Waxood ee Karaamo, Bakiin, Waabari, iyo Galbeed oo ey ka koobantahay magaalada Cadaado ayaa loo qabtaa koobkan oo socday 6dii sano ee lasoo dhaafay.

Kooxaha Karaamo iyo Waabari oo koobkan lagu furay  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Nuur Yarrow Xeyle Guddoomiyaha ciyaaraha  Galmudug Xasan Axmed Shire iyo Guddoomiyaha ciyaarahs  Degmad Cadaado Cumar Daahir Shidane iyo kuxigeenkiisa.

Cumar Daahir Shidane Guddoomiyaha Sportska degmada Cadaado ayaa ugu horeen ka hadlay munasaba daan furitaanka koobka Waaxaha Cadaado

Guddoomiyaha Sports ka Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa dhankiisa kahadlay munsabadan furitanka ah.

Nuur Yarow Xeyle “Shaarbacade” Guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado ayaa ugu dambeyn furay koobkan Waaxaha Degmada Cadaado.