Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan laqaatay danjiraha DFS u jooga Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan kula qaaday Magaalada Adis-ababa Xarunta Dalka Itoobiya  Danjiraha DFS u jooga  Itoobiya Danjire   Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), iyo u qeybsamaha Arimaha Ciidanka Ee Safaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa ka dhageestay Masuuliyiintan Dadaaladda Safaaradda ee ku aadan arimaha Ciidanka ,  gaar ahaan iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom  ee Dagaalka kula jira argagixisadda.