Hindiya oo magdhow lacageed siinaysa ehellada dadkii u geeriyooday Covid-19

Go’aan ka soo baxay Xukuumadda Hindiya ayaa lagu sheegay in Lacag dhan $ 674 oo magdhow ah lasiinayo Qoys kasta oo qof ka mid ah uu u dhintay xanuunka covid-19.

Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa taageertay go’aankan dowladda ka soo baxay ee ku aaddan in magdhaw lacageed la siiyo Qoysaska ay dadka kaga dhinteen covid-19.

Dowladda Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey xanuunka faafe ee Covid-19, Balse waxaa la rumeeysanyahay in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tirada la shaaciyay.

Khubarada shaciga ee Hindiya ayaa dhawaan isku raacay in xanuunkan uu yahay “musiibo” sida uu dhigayo Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ayna xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow maaliyadeed.

Sida ay shaacisay Xukuumadda, magdhow ayaa la siin doonaa qoysaska dhibbanayaasha ee qaar ka mid ah ehelkooda ay u dhinteen xanuunkan haddii ay la yimadaan shahaado caddeyneeyso in qofka uu u dhintay Covid-19.

Hindiya oo ka mid ah dalalka uu aad u sameeyay xanuunka Covid-19, ayaa hwali la dalai dhaceyso wax ka qabashada xanuunkan.