Shirkadda Facebook oo saacado gudahood khasaartay lacag ka badan lix milyan oo dollar

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay inuu soo gaaray qasaare xooggan saacadihii ay hawada ka maqnaayeen adeegyadii ay bixinayeen.

Baraha xiriirka bulshada ayaa lagu yiri “Zuckerberg ayaa lumiyey in ka badan 6 Bilyan oo Doollar, kadib saacado uu xumaa Facebook –ga”.

Adeegyada Facebook, instagram iyo Whatsapp, ayaa hawada ka maqnaa muddo saacado ah, taas oo khasaaro aad u weyn gaarsiisay shirkadda, wxaana hakad ku yimid xiriirkii bulsho badan oo ku nool daafaha caalamka.

Shirkadda ayaa bulshada kaga cudur daaratay muddadii ay hawada ka maqnaayeen adeegyadeeda, waxaana haatan caadi kusoo laabtay howlihii iyo xiriirka dad weynaha ee Facebook, instagram iyo Whatsapp.