Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga oo daah-furay tababar la xiriira horumarinta Shaqaalaha wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daah-furay tababar la xiriira horumarinta iyo tayeynta Shaqaalaha .
Tababarkan oo ay soo Agaasintay Waaxda Shaqada , Shaaqaalaha iyo Tababaradda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa EUTM ayaa lagu baranayay hanaanka loo horumarin karo wada-shaqeynta Waaxyaha iyo Tayeynta Shaqaalaha , Waxaana ka qeybgalay Xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda iyo Agaasimka Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Tabab barka waxaa daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye oo ka qeybgalayaasha ku dhiira-galiyay hergalinta iyo Fulinta Casharada ay barteen.Tababarkan ayaa Waxaa Casharro ka bixinayay Xubno ka Socday Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya .