Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya oo ka qabsoontay Hotel Decale ee Muqdisho, ayaa dhiiri-geliyey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Golaha Dhaqaalaha ee Qaranka Soomaaliyeed, ayaa halkaas lagu soo ba dhigay daraasad laga sameeyey saameyntii cudurka COVID-19 ee dhaqaalaha dalk