Madaxweyne Farmajo iyo Abby Axmed oo kulmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya kulan Kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abby Ahmed.
Labada masuul ayaa kawada hadlay iskana xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal u dhexeeya kaasoo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Malaashiyada Alshabaab.