Madaxwayne Farmaajo Iyo Wafti uu hogaaminayo oo Addis ababa safar ugu baxay

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ayaa u anbabaxay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka,waxaa ay booqashadiisu la xiriirtaa ka qeybgalka xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagotiyay mas’uuliyiinta labada gole iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.