Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka jawaabtay Cabashadda Macalimiintii saxay Imtixaanka dowlada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Soomaaliya ayaa Qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay wasaaradda dadaal dheer ugu jiraan helida xaquuqda macalimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla markaana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaaradda Maalliyadda

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore  loogu mahad celiyay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

“waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtixaanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaquuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaanka qaranka ayaa lagu iri” Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada