Wasiirka Gaashandhigga XFS oo ka qeyb- galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil & Saraakiil Xigeeno Ciidamada Kumaandooska XDS ee gorgor.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator ka la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta ka qeybgalay Munaasabad lagu Dhaarinayay Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Cutubyo ka tirsan Ururka 10aad Ee Kumaandooska GORGOR.

Munaasabadda Sidoo kale Waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan CXDS , Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka Ee Turkisom iyo Masuuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga Ee Soomaaliya.