Saraakiisha Degmada Burtinle Oo Soo Dhaweeyay Dadkii Ay Soo Tarxiileen Maamulka Soomaliland

Maamulka Dagmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay inay soo gaareen dagmadaasi 10 Gaari oo siday dadkii laga soo raafay magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Maamulka degmada iyo qaybaha bulshada oo wada jira ayaa u istaagay soo dhawaynta iyo caawinta dadka la soo musaafuriyay oo u badan Haween iyo carruur.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Burtinle ee Puntland oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay gurmad beni’aadanimo u fidiyeen dadka Walaalahood ee soo gaaray Degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga soo musaafuriyay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed,kuna tilmaantay fal xaaraan ah oo ka baxsan Bini’aadminimada