Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Sanad Guurada 5-Aad Ee Hirshabeelle

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  ayaa Magacaabay Gudigga Qabanqaabada Sanad Guurada 5-aad ee ka soo wareegatay dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka shaqeyn doono qaban qaabada xuska sanad guurada 5-aad ee Hirshabeelle, taasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.