Ra’iisal wasaare Rooble oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baraawe

Baraawe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo inta uu magaladaas ku sugan yahay la kulmi doona shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona.