Shil Gaari oo ka Dhacay wadadda xariiriso Dhagaxbuur Iyo Jigjiga.

Wararka aan ka heleyno deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, ayaa sheegaya in shil Gaari oo maanta barqadii ka dhacay wadadda u dhaxeeyso Dhagaxbuur Iyo Jigjiga  uu ku dhintay hal qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob-joogayaal ayaa noo sheegay in shilkan uu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo rogmaday, waxaana la sheegay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwo halis ah.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa hadda lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.