Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la wareegtay Daawada Kahortagga COVID-19 oo Jaamacadda Carabta ay ugu deeqday Soomaaliya

Deeqdaan oo ka kooban 11 ton oo isagu jirta daawada kahortagga COVID-19 iyo Agabka lala isticmaalo kahortagga cudurka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa  ka qeyb galay, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Siihaayaha Safiirka ahna Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horey uga dalbatay deeqdan ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in daawadani la soo gaarsiiyay xilli dalku uu u baahnaa ugama mahadcelinayaan Jaamacadda Carabra.