Mamaulka Gobolka Banaadir ayaa manta si rasmi ah garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ku daah furay tartanka kubadda Gacanta degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021

Mamaulka Gobolka Banaadir ayaa manta si rasmi ah garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ku daah furay tartanka kubadda Gacanta degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021.

Xafladda Furitaanka oo ay si weyn u soo camreen bulshada Gobolka Banaadir ee Isboortiga jecel waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradad Dhallinayarada iyo isboortig, Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha dhanka siyaasada iyo dhanka isboortiag degmooyinka gobolka Banaadir , madaxda Xiriirka kubadda Gacanta iyo marti sharf kale, waxana tartanka si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda dhallinayadra iyo isboortiga Xamsa Saciid Xamsa.

Kulanka Furitaanka oo ay wada ciyaaeen Degmada Hodon oo tartanka daafacanaysa iyo degmada Shingaani waxaa 29-18 ay guusha ku raacday degmada Hodon.