Ceel Biyood cusub oo laga hirgeliyay degaanka Dhidhin oo ka tirsan maamulka Galmudug

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa xarigga ka jaray Ceel biyood laga hirgeliyay degaanka Dhidhin ee Bariga Gobolka Mudug.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Hay’adda IOM ayaa waxaa aad u bogaadiyay dadka degaanka oo dhib weyn ku qabay helista Biyaha.

Qaar ka mid ah wax garadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay markii hore u aroori jireen Ceeldibir oo u jirta 35 km iyo Arw laa oo iyana u jirta 70 km.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe, ayaa u mahad-celiyay hay’adda IOM iyo cid walba oo gacan ka geysatay hirgelinta Ceel Biyoodkan.