Boliiska Puntland oo gacanta kusoo dhigay ruux dil geystay

Ciidanka Boliiska Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan Gacan ku dhiigle toogasho ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray AUN Bootaan Axmed Bootaan oo ka tirsanaa saraakiisha Ciidanka Puntland.

Falkan lagu doogtay marxuumka ayaa waxa uu xalay ka dhacay degaanka Laanta Hawada oo ah duleedka bari ee magaalada Garoowe. Arrinkan dilka ah ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib kolkiiĀ  muran soo kala dhex galay Gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka la dilay sidaana uu falku ku dhacay.

G/Sare, Maxamed Aaden Jaamac oo ka tirsan saraakiisha Boliiska Puntland ayaa sheegay inay Gacan ku-dhiiglaha oo dhaawac ah kasoo qabteen degaanka Budanbuto ee Gobolka Nugaal.