Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhambaal hambalyo ah u diray Senaterrada ku guuleystay doorashada Aqalka sare ee BJFS

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Senaterrada ku soo baxay kamid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee BJFS kuwaas oo ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah:

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Saalax Axmed Jaamac
  3. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Cismaan Abokor Dubbe
  5. Layla Axmed Ismaaciil
  6. Bilaal idiris Cabdullaahi

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS.