Kursi kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee maanta lagu tartami doono oo lasiisaadaaliyey cidda kusoo bixi doonto ka hor codeynta, waa maxay sababta?

Xildhibaannada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa maanta Muqdisho lagu dooran doonaa 5-tii kursi ee ugu danbeeyey.

Sida lawada ogyahay waxaa maalinti shalay la doortay 6 mudane oo ka mid ah 11-ka Senitorada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matali doona 4-ta sano ee soosocda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku kala guulaysteen:-

1- Guddoomiyihii Aqalka Sare ee mudo xileedkiisu hada dhamaaday, Senitor Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
2- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Senitor Cismaan Abokar Dubbe.
3- Wasiirka Wasaaradda Dastuur, Senitor Saalax Axmed Jaamac.
4- Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar
5- Senitor Bilaal Idiris Cabdullaahi
6- Senitor Layla Axmed Ismaaciil

Shanta kursi ee hartay Waxaa ku tartami doona Musharaxiin tiradoodu gaarayso ilaa 12 mudane, 5 kamid ah Musharaxiintaas waa Dumar.
Hadaba marka la eego Kursiga 5-aad loona fiiriyo jadwalka doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ee maanta la dooran doono oo ay ku tartami doonaan Musharax Hodan Abokor Xassan Iyo Deeqa Xasan Xuseen oo ku fadhiday kursigaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa saamayn ku yeeshay kursi ka mid ah kuraastii shalay la doortay oo uu kusoo baxay Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Arrintan ayaa loo sababaynayaa Kadib markii ay isku kursi noqdeen Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar Iyo Hodan Abokor Xasan, marka laga eego dhanka saami qaybsiga beelaha.

Taas oo ka dhigan in Senitor Deeqa Xasan Xuseen ay tahay Senitorada kaliya oo iyada oon wakhtigii codaynta la gaarin, lasii ogyahay inay iyadu kusoo bixi doonto kursigaas.