Kulan ku saabsanaa dhab uheshiisiInta heer dowlad gobaleed oo lagu qabtay Jowhar

Jowhar- Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa magaalada Jowhar kusoo gaba-gabeysay kulan wada tashi ah oo lagu diyaarinayo qorshaha hannaanka dhab uheshiisinta heer dowlad gobaleed.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeellada dhexe, Madiino Caddoow ayaa kulanka ka sheegtay inay muhiimad ballaaran u leedahay bulshada dhab u heshiisiinta.

Madiino ayaa sheegtay in aysan ku filnayan kulankan oo keliya in loo qabto bulshada, maaddaama dhibaatada Soomaaliya ku dhacday aysan yarayn, si loosoo celiyo kalsoonidii iyo is-dhexgalkii Ummadda ay lahayd.