Cabdi Xaashi oo markale loo doortay xubinnimada Aqalka Sare

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo hadda si toos ah uga socota Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa durba kursiga koowaad kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee xildhibaanada Aqalka Sare Sanoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi, kadib markii uu tanasulay murrashaxii la tartamaayey.

Kursiga koowaad ee kuraasta Aqalka Sare Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku tartamayay Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse waxaa kusoo baxay Cabdi Xaashi markii uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen.

Sanoter Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu helay 44 cod waxaana ka aamusay labo xubnood, sidaas ayuuna ku noqday guulaystihii koowaad ee kusoo baxa xubnaha Aqalka Sare ee matali doono gobollada waqooyi (Somaliland) 4ta sano ee soosocota haddii Alle idmo.

Goordhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada kuraasta xigta ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matali doonta Gobolada Waqooyi.