Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay gudaha dallaas ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa iyo Gabar Koonfur Afrikan ah oo u Shaqeyneysay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Axmed iyo Haweeneyda u shaqeyneeysay ayaa waxaa lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Ga-Mawa Block 7, oo 57,2 Km u jira Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sida la sheegay xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa dukaankiisa, waxaana weerarka si dirqi ah uga badbaaday Dhalinyaro Soomaali ah oo la joogay, iyada oo ay baxsadeen Burcaddii dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed iyo haweeneyda shaqaalihiisa aheyd, kuwaas oo dukaanka ka dhacay Agab iyo lacago aan la xusin caddadooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas u tagay ganacsiga kala duwan.